”Dab haku ciyaarin!” – Shiinaha oo Maraykanka uga digtey tillaabo uu u qaadayo dhanka Taiwan + Sawirro

0

(Budapest) 14 Luulyo 2019 – Shiinaha ayaa Washington uga digey inuu hub u shixnado Taiwan oo ay Beijing u aragto gobol fallaagoobey, iyadoo Maraykanka xusuusiyay inuu ka baaraan dego “qarada iyo xasaasiyadda” ay arrintani leedahay kaddib markii uu Pentagon ogolaaday in taangiyo casri ah laga iibiyo Taipei.

Wasiir Dibadeedka Shiinaha Md Wang Yi ayaa isagoo caro la qaacaya furka ku xooray maamulka Washington isagoo ka hadlaya Hungary oo uu haatan booqasho ku joogana wuxuu yiri:

“Waxaannu Maraykanka ku boorrinaynaa inay si buuxda u aqoonsadaan qarada arrinta Taiwan … [iyo] inaysan dab ku ciyaarin,” ayuu ku yiri warfaafinta iyadoo loo tarjumayo, sida lagu faafiyay Reuters.

Beijing ayaa Taiwan u aragta qayb ka mid dhulkeeda qaran waxayna si wayn uga hor jeeddaa in loo aqoonsado dal madax bannaan.

Maraykanka oo aan si rasmi ah u aqoonsanayn Taiwan, isagoo ixtiraamaya mabda’a jiritaanka ‘hal Shiine’, ayaa dhaqdhaqaaqyo diblmomaasiyadeed sameeyay markii uu Madaxwayne noqday Donald Trump.

Tusaale ahaan 2016, wuxuu noqday Madaxwaynihii ugu horreeyay ee muddo 30 sanadood ka badan khadka telefoonka kula hadla Madaxwaynaha Taiwanese-ka, Tsai Ing-wen.

Arrintaa aad bay uga gilgilatey dowladda Beijing. Mar sii horreeysey, Shiinaha ayaa cunaqabatayn ugu hanjabey shirkaddii Maraykan ah ee hub ka iibisa Taiwan.

Hadalsame Media