Wefdi ka socda Qadar oo Khayrre kula shirsan Dhuusamareeb (Laba qodob oo lasoo qaadayo)

0

(Dhuusamareeb) 13 Luulyo 2019 – Waxaa Dhuusameeb gaartey diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka Qadar oo sidda wefdi ka socda Safaarada Qadar ee Muqdisho.

Waxaa wefdiga oo ka degey Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur Dhuusamareeb kuwaa oo loo gelbiyey hooyga Raysulwasaare Xasan C Kheyrre uu Dhuusamareeb ka deggan yahay.

Weli si saaxi ah looma Oga ujeedada imaatinka wefdigan iyo qorrshaha rasmiga ah ee ka dambeeya, balse wararku uu Hadalsame helayo waxay sheegayaan in ay u yimaadeen laba arrimood:

1 – Tababarka iyo dhismaha ciidamada Galmudug oo u qaybsan kuwa ku biiraya Ciidanka dhexe ee Xoogga Dalka SNA iyo kuwa maxalliga ah sida Booliis goboleedka Galmudug.

2 – Waxay Khayrre lasoo qaadi doonaan sidii loogu dhaqsan lahaa dhismaha Dekedda Hobyo oo ay horay Qadar dhismeheeda u ballan qaadday.

Warar kale ayaa sheegaya inay dayuuraddu ay haatanba siddo shixnad hub ah oo loogu tala galay ciidamada halkaa joog.

Wixii kasoo kordha nagala soco.

Hadalsame Media