Tababare caan ah oo laga helay cudur HALIS ah!!

0

(Bologna) 13 Luulyo 2019 – Dunida kubadda cagta ayaa la shoogsan khabarka naxdinta leh ee sheegaya inuu cudur halis ihi kusoo boodey macallinka Bologna ee Sinisa Mihajlovic.

Ilaa xalay ayaa waxaa soo baxayey inuu kooxda ka tegayo si uu ula tacaalo cudur halis ah oo soo wajahey, balse lama carrabaabin nooca cudurkaasi.

Yeelkeede, Miha ayaa shir jaraa’id oo uu iminka qabtay kaga dhawaaqay in laga helay cudurka Kansarka gaar ahaan nooca dhiigga ee Leukemia, weliba mid halis oo hujuumi ah.

Miha ayaa sheegay inuu tijaabadii guud ee ugu dambaysey maray 28-kii Febraayo ee sanadkan oo ay wax kasta caadi ahaayeen, balse uu beryahan qandho iyo daal dareemay baaritaan kaddibna loo sheegay warkan naxdinta leh.

Miha ayaa ilaa 1992-kii ku sugnaa Talyaaniga, isagoo usoo saftay kooxaha Sampdoria, Lazio, Inter iwm, halka uu soo layliyey kooxaha Viola, Milan, Torino, Bologna iwm.

Hadalsame Media