NAQDIN: “Yaan ganacsatada la khasaarine Sucuudi ama Somalia heshiis hallaga keeno?!”

0

(Hargaysa) 13 Luulyo 2019 – Siyaasadda Kulmiye ee aan soconayn waxaa weeye: “Muqdisho wax naxariis ah oo naga dhaxaysaa ma jirto” iyo “maxay Muqdisho noogu naxariisan wayday ee ay noo cunaqabataynaysaa!” Oo sow adigii yidhi naxariis naga dhaxaysaa ma jirto!

Adduunyadan siyaasad iyo heshiisyo ayaa lagu kala socdaa ee isgiijin iyo aftaagnimo meel lagu maraa ma jirto. Ma aha in aad shacabka ganacsatada ah been u sheegtid oo aad tidhaahdo warqaddii SL buu Sacuudigii oggolaaday oo xooluhu ku dhoofayaan, oo dabadeed aad khasaare gelisid ganacsatadii. Taasi waa siyaasadda isgiijinta ku dhisan ee beentana lagu qurxiyay.

Xamar iyo Sacuudigu haddii ay wada galeen heshiis ku saabsan warqadda caafimaad ee xooluhu ku dhoofayaan, adigana heshiis siyaasadeed baa lagaaga baahan yahay oo aad Sacuudiga ama/iyo Xamar la gasho, ama aad raadsato suuq kale oo oggol warqad SL ka timid.

Laakiin yooyootan iyo hadallo taagtaagan in aad shacabka ganacsatada ah ku hoddo oo ku khasaariso ma aha, Xukuumadda Kulmiyaay!

Hadalsame Media