Xeel ay Wasiirrada Puntland u degeen RW Khayrre oo la ogaadey (Jadwalkii oo aan helnay)

0

(Gaalkacyo) 10 Luulyo 2019 – Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhaleecayn u jeediyay booqashada RW Xasan Cali Khayrre uu ku tegey dhanka woqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ah daanta ay xukunto Puntland, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay mid ”foowdo ah oo aan marin jadwalkii ay u dejiyeen.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in Khayrre uu dhegaha ka furaystay qorshe ay u dejiyeen sida inuu la kulmo isimo. ”Waxaan rabaa inaan dhallinyaro meel iigu diyaarsan dhex galo!” ayuu yiri RW ayuu sheegay Dhabanacad.

Haddaba, waxaan helnay jadwal la sheegay inuu yahay kan ay Wasiirradu u diyaariyeen Khayrre, waxaana ka muuqata in xilliga loo qoondeeyay inuu garoonka booqdo lagu beegay xilli dambe oo maqrib taagan yahay.

Arrintan ayaa muujinaysa in Wasiirradu ay aad iskugu deyayeen in adkeeyaan intii suurtagal ah inay madaxda DF Somalia shacabka la hadlaan, waloow aysan sheegin sababta ay sidaa u yeeleen.

Hadalsame Media

Facebook Comments