SHAKI WAYN: Maxaa keenay in war ka bilowday baraha bulshada Soomaalida ay la booddo saxaafadda Kenya (Tuhun jira)

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2019 – Warbaahinta Kenya ayaa wadda dagaal iyo dadaal warqadeed oo ay ku taageerayaan qadiyadda dowladooda iyo dalkooda Kenya, halka taa biddaalkeeda ay saxaafadda Soomaalidu u badatay kuwa kas iyo kama’ba u taageersan isla qaddiyadda Kenya, ama ugu yaraan u nugul in loo adeegsado si khaldan, iyagoo aan xitaa dareensanayn.

Tusaale, wargeysyo ay ka mid yihiin The Nation iyo East African oo kasoo baxa Kenya oo kaashanaya wargaysyo dhowaangal ah oo gaar loo leeyahay kana soo baxa dalka Itoobiya sida Addis Standard oo mareegohooda faafinayay ayaa ilaa shalay sheegayay in Itoobiya ay wafdi u kala dirtay Kenya iyo Soomaaliya si xal loogu helo ”muranka dhul-badeedka u dhexeeya labada dal”, kaasoo uu gar wadeen ka yahay RW Itoobiya Abiy Axmed.

Yeelkeede, arrinta la yaabka lihi waxay tahay in warkan ah in 13-ka bishan oo Sabtiga ku beegan ay Addis ku kulmayaan labada madaxwayne ee Somalia iyo Kenya uu yahay mid asal haan kasoo bilowday baraha bulshada Soomaalida.

Arrintan oo aannu waydiinnay dad xog ogaal ah oo ku jira xayndaabka hoose waxay noo xaqiijiyeen in haba yaraatee aanu xitaa waqti xaadirkan jirin shir ballansan oo dhexmaraya labada madaxwayne ee Farmaajo iyo Kenyatta. Waxaana warkaasi beeniyay Madaxtooyada iyo Wasaarad Dibadeedka dalka.

Haddaba, su’aashu waxay noqonaysaa dadka warkaasi dacaayadda ah Soomaalida kusoo dhex tuuray ee gaar ahaan baraha bulshada la beegsaday oo ay weliba ku jiraan dad caan ah oo ay weriyeyaal ku jiraan halkee warkan ka keeneen? Ma dad Kenya u shaqeeyaa? Maxaa keenay in maalin kaddib ay isla warkii sii qaad qaaddo saxaafadda Kenya oo weliba usii gudubtey dhanka midda Itoobiya? Haddii ay qolada tashwiishkan soo geliyay baraha bulshadu ay yihiin dad uun iska hadlay maxaa keenay inay ka koobiso saxaafadda Kenya? Maxaa daaha gadaashiisa ka socda?

Waxaan soo jeedinayaa in DF Somalia ay samaysato shabakado sirdoon oo si hoose u xuuraansada xarkaha hoos ka nudan ee lagu kala xirxirayay dalkan oo muddo dheer nidaam la’aan ahaa, waayo sida muuqata waxaa jira dad badan oo si toos ah iyo si qarsoonba ula shaqeeya cududo shisheeye iyagoo markasta fashilinaya in la gaaro ama ama la gunto danta Soomaaliyeed, taa biddaalkeedana niyad iyo jir ahaanba u dabran diracyo shisheeye. Dadka noocaas ah qaarkood xitaa ma aaminsana inay Soomaalidu wax qabsan karto ama noqon karto.

Dalka hallaga badbaadiyo!

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media