”DIB U BAXA!” – Maraakiibta dagaalka Iiraan & UK oo ku sigtay inay is xabadeeyaan + Sawirro

0

(Marinka Hormuus) 11 Luulyo 2019 – Seddax doonyood oo hubaysan oo ay leeyihiin ciidamada Iiraan ayaa ku guuldarraystay inay la wareegaan markab saliid qaade ah oo ay Iiraan leedahay oo marayay gacanka Beershiya, sida ay sheegatay dowladda UK.

Doonyahan gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa holliyey inay qabsadaan markab la yiraahdo British Heritage oo isagoo saliid sida marayey marinka Strait of Hormuz, oo ah luuq badeed istaraatiji ah oo ay qayb ka xukunto Iiraan.

Doonyaha Iiraan ayaa la sheegay inay markabka British Heritage ku amreen in istaago, kahor inta aanu kasoo gaarin markab dagaal oo ay Britain leedahay oo ka yiraahdo Royal HMS Montrose, oo meel sare kala socdey markabka, kaasoo qoryihiisa ku callaqay 3-da doonyood ee Iiraan isagoo u sheegay inay dib u baxaan, sida ku dhigan Daily Mail.

Doonyaha hubaysan ee Iiraan ayaa la sheegay inay deeto dib u bexeen iyagoo aan wax xabad ah la isku ridin.

Hadalsame Media