DAAWO: Weriye Maraykan ah oo Ilhaan Cumar ula hadlaya sidii inuu isagu soo korsaday!!

0

(Washington, DC) 11 Luulyo 2019 – Weriyaha Tucker Carlson ayaa markale weerar ku qaaday Ilhan Omar, maalin uun kaddib markii uu gabadhan Soomaalida ah ku eedeeyay ‘ixtiraam darro aan qarsoonayn oo ka dhan ah Maraykanka’.

Warkaas oo uu Carlson Ilhaan ka sheegay Talaadadii ayaa keenay in ay ku tilmaanto ‘cunsuri doqon ah’, balse weriyaha Fox News ayaa markale ku celiyay dhaliishiisii, isagoo barnaamijkiisii xalay ee Tucker Carlson Tonight ku furay qayb uu iyada ku maagayo.

Ninkan 50-jirka ah ayaa hadal kulul oo xanaf leh ku sheegay in Maraykanku uu gabadhan Cumar ‘kasoo badbaadiyay meesha adduunka ugu xun’, balse ay noqotay qof ”bilaa abaal ah.”

‘Sidee Cumar uga jawaabtey haddiiyaddii cajiibka ahayd ee aannu siinnay? Way na canaanatay magacyana waa noo bixisay. Waxay noogu qubaysay ixtiraam la’aan. Waa wax laga caroodo,’ ayuu Carlson ku bilaabay barnaamijkiisa.

Carlson oo lagu tilmaamo nin muxaafid ah oo 3 neceb ah ayaa marar hore laga helay siro muujinaya inuu yahay nin cunsuri ah. Wuxuuna aad ugu celceliyaa in llhaan ay ku ”abaal dhacday abaalkii loo galay.”

Halkan ka eeg jawaabta Ilhaan Cumar…

Halkanna ka daawo weerarka 2-aad ee Carlson….

Hadalsame Media

Facebook Comments