DAAWO: Muqdisho oo laga furay WERSHAD wayn oo adeeg muhim ah soo kordhisey + Sawirro

0

(Muqdisho) 11 Luulyo 2019 – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hirgeliyay wershad cusub oo miraha shiidda, iyadoo gaar ahaan haatan lagu bilaabay galleeyda.

Wershaddan oo la yiraahdo SomGrain ayaa galleeyda shiidaysa kaddibna baakaynaysa iyadoo ka dhigaysa kiilaad kala nooc ah, si ay dadku si fudud ugu isticmaali karaan.

Xaaji Muuse Cali oo ah maamulaha wershaddan ayaa sheegay in ujeeddooyinkooda ugu wayn ay ka mid tahay in dadka lagu boorriyo adeegsiga cunnooyinka waddaniga ah ee dalka kasoo go’a, maadaama ay Soomaalidu inta badan u janjeerto dhanka cunnooyinka qalaad.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sanadihii dambe ku soo kordhaya wershado kala nooc ah oo shaqooyin badan oo kala duwan qabta.

Halkan hoose ka daawo warbixin ay VOA-du ka samaysay, waxaana Xamar kasoo dirtay Saynab Abuukar.

 

Hadalsame Media