”Dadka u qaylinaya Axmed Madoobe kuma jiro qof kasoo jeeda Jubbaland” – Faarax Macallin oo furka xooray!

0

(Nairobi) 10 Luulyo 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin oo xilal kala geddisan kasoo qabtay dalka Kenya, balse inta badan ah nin qoowmi ah oo Soomaalida u hadla ayaa weerar ku qaaday siyaasiga Aadan Madoobe oo haatan ah Madaxwaynaha maamulka Jubbaland, balse haatan lagu eedeeyay ku hoowllanaanta inuu xilka kusoo noqdo isagoo adeegsanaya qaabab aan ”daah-furnayn.”

Wuxuu Twitter kusoo qoray sidatan:

”Waxaa la yiri doqon waa midka hal ficil ku celceliya si uu natiijo duwan u gaaro. Somalia sanado ayay la daalaa dhacaysey dagaal oogayaal umi ah oo qabiillada afduubta. Awr kiraalayaashii TPLF waayohoodii ayaa sii dhamaanaya. Madoobe sii raac saaxiibbadaa Getachew oo reer Mekele (Tigree) ah iyo Sakiin & Gas oo jooga Nairobi!”

”Diiwaanka sooyaalka Somalia marna sooma marin liidanaanta ka muuqata doorashada dhowaan ka qabsoomaysa Jubbaland. Dhamaan kuwa qabyaalad darteed ugu qaylinaya Madoobe waxay joogaan Gaarisa, Itoobiya ama qurbaha. Dadkii asalka ahaa ee reer Jubbaland waxay ku jiraan ”gumaysi hubaysan.” ayuu Twitter kale kusoo qoray Faarax Macallin.

Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu musharrixiinta la loollamaysa xitaa u diiddan yahay inay cag soo dhigaan magaalada Kismaayo, iyadoo aanu maamulkiisu wax horumar ah oo la taaban karo ka samaynin dhanka xoraynta dhulka uu sheegto inuu xukumo.

Hadalsame Media

Facebook Comments