”Sida uu Trump Raysalwasaareheenna & Danjireheenna ula dhaqmayo waa ”xushmad darro!” – Ingiriiska oo soo jawaabey!

0

(London) 09 Luulyo 2019 – Wasiir Dibadeedka Britain Jeremy Hunt ayaa weerar ku qaaday MW Maraykanka ee Donald Trump isagoo dhaliisha shaaca ah ee uu u jeediyay ku tilmaamay “mid khaldan oo xushmad darro ah.”

MW Maraykanka ilaa ilaa habeenkii xalay ahaa ilaa maanta wuxuu soo qorayay tweets silsilad ah, isagoo midkood Danjire Kim Darroch ku tilmaamay “jaajaale” iyo “nacas” kaddib markii la faafiyay kayballo uu Danjiraha Britain ku dhaliilayo Trump kaasoo uu faafiyay Daily Mail.

Trump ayaan ku ekaanin eedaynta Danjiraha, balse wuxuu sidoo kale weerar ku qaaday RW Theresa May, isagoo qaabka ay u maaraysay Brexit ku tilmaamay “musiibo!”

Hunt, oo haatan u tartamaya inuu bedelo May, oo xilka ka degeysa ayaa weliba sheegay inuu Danjire sii ahaan doono Darroch haddii uu qabto xilka ugu sarreeya dalka Britain, isagoo warka Trump ku tilmaamay munaafaqad, maadaama ay diblomaasiyiintiisuba ay dadka kale maagaan.

Hadalsame Media