”Neymar wuu iska tegi karaa haddii uu doonayo, balse….”

0

(Paris) 09 Luulyo 2019 – Neymar Jr ayaa loo sheegay inuu iskaga tegi karo kooxda Paris Saint-Germain haddii la helo “dalab qancinaya dhinacyada oo idil”, sida uu sheegay Maareeyaha Ciiyaaraha kooxdaasi, Leonardo.

Leonardo, oo haatan dib ugu soo laabtay kooxda PSG, ayaa hoosta ka xarriiqay “inay qof kasta u caddahay” waxa uu doonayo laacibka reer Brazil isagoo qiray inuu jirey xiriir ”dul ka xaadis ah” oo dhex maray iyaga iyo Barcelona.

“Neymar wuu ka tegi karaa PSG haddii la helo dalab cid kasta qancinaya. Weli ma helin dalab rasmi ah, balse waa run inaanu xiriir duleed la samaynay iyaga [Barcelona],” ayuu Leo u sheegay warqaadka La Parisien.

Kooxda ka dheesha horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ayaa horay u sheegtay inay ”tillaabo ku habboon ka qaadayso” laacibkan kaddib markii uu u gooyey bilowga tababarkii ugu horreeyay ee is diyaarinta xilli-horaadka kooxda, tiiyoo uu weli kooxda qandaraas kula jiro.

Hadalsame Media