DAAWO: ”Shaqada idinkaa iska leh, anigu ma lihi, xukuumaddu ma malaha, Madaxwaynuhu ma laha, waxaa iska leh dadka reer Galmudug” – RW Khayrre

0

(Gaalkacyo) 09 Luulyo 2019 – RW DF Somalia oo muddaba ku sugan degaanno ka tirsan maamulka Galmudug, Somalia ayaa si gaar ah ula hadlay dadka reer Gaalkacyo.

RW Khayrre ayaa reer Gaalkacyo oo ah halka uu kasoo bilaabmay maamulka Galmudug ku tirtirsiiyay inay gacan ka gaystaan sidii loo dhisi lahaa maamul wax ku ool ah oo meel gaarsiiya gobolkaasi.

”Shaqada idinkaa iska leh, anigu ma lihi, xukuumaddu ma malaha, Madaxwaynuhu ma laha, waxaa iska leh dadka reer Galmudug oo ay tahay inay dhistaan wax ay heshiis ku yihiin.” ayuu yiri Khayrre.

Khayrre ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo hormarin lahaa gobolka loona dhisi lahaa aayaha jiilka soo socda ay ku xiran tahay dhismaha maamul heshiis lagu yahay oo loo aayo.

”Maadaama aad hormuud ka ahaydeen maamulka Galmudug haddana waxaa waajib idinku ah inaad hormuud ka noqotaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug la isku raacsan yahay.” ayuu ku boorriyay reer Gaalkacyo.

”Dalku waa Federaal sidaa darteed waa muhim inaad leedihiin maamul-goboleed dhisan oo shaqaynaya.” ayuu raaciyay Khayrre oo sheegay in Galmudug ay maanta hor taallo fursad qaali ah oo ay Somalia oo idil ka faa’iidaysan karto.

Hadalsame Media