HARRY S. TRUMAN: Wuxuu qaatay go’aan ay dunidu ku qoontay dadkiisuna u aayay!

0
Power point created by Robert Martinez. Primary Content Source: Speaking of History: Vol. II, by Laura Belmonte.

(Hadalsame) 08 Luulyo 2019 – Harry S. Truman, oo ahaa madaxwaynihii 33aad ee Maraykankana soona xukumay intii u dhexeysay 1945 -1953, ayaa mar qaatay ficil shacabkiisu abaal kaga hayaan.

Waxaa socday dagaalkii labaad ee adduunka oo aad u qaraaraa, se Maraykanku aanu ku jirin oo taageero dhaqaale keliya fangaraynayey, sannadkii 1941 bishii December 7-dii, ayaa weerar waxaa ku e keeyey saldhiggii ciidamadii Maraykanku kula haayeen jasiiradda Hawaay ee juqaraafi ahaan ku taal badwaynta pacifiga, ciidamadii imbaraadooriyadii Jabbaan, weerar kaa oo Harbor lagu magacaabo Maraykanka waxaa ka soo gaaray qasaare aad u badnaa marka loo eego dhimashada ciidamadiisii iyo qalabkii kaga baa ba’ayba.

Maraykanka xilligaa waxaa farsamo ku socotay banbooyin nukliyeer ah oo uu adeegsan doono aakhir, Jabbaan marba marka ka dambaysa waa ay hanjabaysay oo u goodinaysay reer Maraykan, waqti kasta cabsi aan bixin ayaa shacabwaynaha Maraykanka heysatay, kuwaa oo ka baqayey ama is waydiinayey goormaa ayey Jabbaan idin soo weerari doontaa?!! Saddex sano iyo bilooyin ka dib weerarkii Harbor, sannadkii 1945, Harry waxa uu go,aansaday in ka jawaabo hanjabaadda ay ku hayso Jabbaan ee shacabkiisu ka seexan waayeen.

Waxaa lagaaray ama farsamo dhameystay bambooyinkii nukliyeerka ahaa oo tijaabo uun sugaya!! Bishii Agoosto maalinkii ay lix ahayd, sannadkii 1945, ayuu amar ku bixiyey in la duqeeyo Jabbaan, bamkii ugu horreeyey ee Hydrogen nukliyeer ah ayaa lagu dhuftay magaalada Hiroshima, halka kii labaad isna lala beegsaday magaalada kale ee Nagasaki, 9-kii isla bishaas sannadkii 1945-kii.

Wixii jeerkaa ka dambeeyey Jabbaan waa is dhiibtay, dagaalkii labaadna waa soo gunaanadmay, shacabkii Maraykankuna cabsidii waa ay ka fuqday ahayd in la weerari doono.

Go’aan boog aan kaa harin ah ayuu qaatay, se dadkiisa ay taariikh ugu muujin oo abaal aan dhicin bay ka guntadeen!!

Xigasho: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media