Waxyaabo aynaan dadka xaq ugu lahayn, siiba waalidka! (Qayb ka mid ah Filinka “Fences”)

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2019 – Wada-sheekaysigan soo socda waxaan ka qoray qayb laga soo jaray filimka “fences” oo u tarjuman afka carabiga ah, waxaa ku wada hadlaya wiil mindhaa rabay inuu aabbihii ka helo ereyo dabacsan oo tusinaya inuu jecelyahay iyo aabbe dan-ka-hadle ah.
Aan marka hore idiin kala baxo idinka iyo wadasheekaysiga:

Bilow:
———-

Wiilka: “maxaad ii jeclaan weyday weligaa?”

Aabbaha:”Ii jeclaan weyday?!… Nacallaa ku taalee, yaa yiri waa qasab inaan ku jeclaado? Waa qaanuunkee, qaanuunka igu qasbaya inaan ku jeclaado? Ka dibna aad halkan soo istaagto, ina waydiiso su’aashan doqonta ah, aadna iga waraysato cidda aan jeclahay?…… Agtayda kaalay wiilyahow markaan kula hadlayo…!

(wuu iman, ka dibna xabadka ayuu ka dhirbaaxi, hadalkiina wuu sii wadan)

Iiga jawaab, yaa dhigay qaanuunka igu qasbaya jacaylkaaga?”

Wiillka:”cidna”

Aabbaha:”waa hagaag. Maalin walba wax ma cuntaa?”

(aamusnaan)

Aabbaha:”War ii jawaab markaan kula hadlayo, wax macuntaa maalin walba?”

Wiilka: “haa”

Aabbaha: “madowyahow, maadaama aad gurigayga dhex taagantahay waa inaad mar walba hadalkaaga raacisaa “Mudane”

Wiilka:”haa mudane”

Aabbaha:”maalin walba wax waad cuntaa?”

Wiilka:”haa, mudane”

Aabbaha:”saqafna waad hoos gashaa sow maha?”

Wiilka:”haa, mudane”

Aabbaha:”dharna waad xidhantahay?”

Wiilka:”haa, mudane”

Aabbaha:”maxaa keenay baad is leedahay waxaas?”

Wiilka:”adiga”

(aabbaha ayaa qoslaya)

Aabbaha:”war waan ogahay inaan aniga ahayee, laakiin sababtee baan u yeelayaa?”

Wiilka:”sababtoo ah waad i jeceshahay”

Aabbaha:”waan ku jeclahay?! …. Subax walba waan kalahaa, shaqo iyo rafaad baan maalin walba galaa, sababta ma inaan ku jeclahay baa?!…Doqonkii ugu weynaa ee aan arko baad tahay, war waxaas waa shaqadayda, waa masuuliyaddayda, waana qasab inuu ninku qoyskiisa ka adkaado.

Gurigayga ayaad ku nooshahay, cuntadayda ayaad calooshaada ka buuxisaa, sariir aan leeyahay baad ku seexataa, waxaasoo dhan waa inaad wiilkayga tahay. Sababta aan saa u yeelayana ma ahan jacayl, ee waa hawl ii taala, oo aan ku qasbanahay inaan daneeyo, waana waajibkii iga kaa saarnaa adiga.

Bal aynu wada qiimayno arrinkan, hadda iyo halkan, inta aynaanba meel fog la aadin.

Qasab ma ahan inaan ku jeclaado, fiiri maamulahayga mushaharkayga iima siiyo inuu i jecelyahay awgeed, ee waa wax aan ku leeyahay oo wuu ii daymaysanyahay.

Anigu hadda waan ku siiyay wax walba oo aad igu lahayd, waxaan ku siiyay nolol, aniga iyo hooyadaa baa sidaa kuu garanay, inaan ku koolkoolinana qayb kama ahayn heshiiska.

Isaga oo qaylinaya ayuu hadalladan soo socda oranayaa:

Wax walwal ah yuusan kaa gelin qofi inuu ku jecelyahay iyo in kale, keliya waxaad hubsataa inay kuu samaynayaan adiga wixii aad xaqa ugu lahayd bas.
Ma maqlaysaa waxaan ku leeyahay?”

Wiilka: “haa, mudane”

Aabbaha:”hadaba al aankan wejigaaga iga qari”

Dhammaad.
—————

Adduunkan ma aha inaad dadka ka sugto jacayl, marba haddii aad ka helayso wixii aad ku lahayd jacaylkooda hala dhinteen.

Taa micnaheeduna ma ahan inaan jacayl loo baahnayn, ee waa keliya inaad ogaato inuu jacaylku yahay wax dheeraad ah oo uu ilaahay bixiyo, noloshuna ay tahay dan-ka-hadal.

Waalidkaaga waxaa habboon inay ku jeclaadaan, laakiin qasab uguma lihid marba haddii ay sidii saxda ahaa kuu korinayaan, ninkaaga qasab uguma lihid inuu jacayl jacayl kula matalo marba haddii uu si wacan kuu biilaayo, walaalkaa sidoo kale, iyo dhammaan dadka kaleba. Haddii ay ku jeclaadaan waa alxamdu, haddii aadan ka helinna awalba jacaylka alle ayaan dhamaad lahayn.

Taas inaad aaminto waad ku qasbantahay, haddaadan aamininna noloshaada silica ah isaga noolow.

Qalinkii: Cabdirahman Axmed
“Abuu Xaniifa”

Hadalsame Media