Maxaa ka cusub sheekada yaabka leh ee Deeqa? (Warkii ugu dambeeyay)

0

(Gaalkacyo) 07 Luulyo 2019 – Deeqo ayaa horay dad badan oo Gaalkacyo joogay waxaa ay ii sheegeen iney u garanayeen magaca Deeq islamrkaana ay u heysteen in uu ahaa qof rag ah.

Deeqo ayaa la.sheegay iney laheyd dukaan ku yaalaa mid ka mid ah xaafadah Gaalkacyo waxaana sheekadeeda ay soo baxday markii nin ahaan ay u dacweyeen qoys la ii sheegay iney gabadh ka.maqneyd laguna tahmayay iney nin ahaan ay u haystay deeqo oo xilliga la soo dacweynayay nin loo haystay.

Waxaana markii saldhiga la keenay gabadha ninka iska dhigtay lagu ogaaday iney dumar aheyd.
taasi oo meesha ka saartay waxa ay sheeganeysa deeqa oo aheyd iney nin tahay.

Taliyaha qeybta baliiska gobolka mudug oo weriyaasha saldhiga kula hadlay ayaa sheegay iney wali baaritaano ay ku.hayan gabadhas islamrkana wixii natiijo ah ay la soo wadaagi doonana warbahinta.

Sidoo.kale deeqo ayaa lagu qabtay bastoolad sida Booliska ay shegeen iyadoona ay tilmaamatay iney bastooladasi ay ku waardiyesaneysay dukaan ay laheyd.

Ma jirto wax xaqiiq ah oo la haayo oo ku aadan guurka la sheegayo iyo ilmaha ay ka dhashay.

Deeqa ayaa sheegtay ineysan jirin qof dumar ah oo ay guursatay balse ay jirtay dumar ay badbaadisay oo.naftoda halis galin rabay sida ay sheegtay mar ay la hadashay weriyaal saldhiga tagay.

Ugu dambeynti qaar ka mid ah Dariska guriga ay dagneyd deeqo oo aan tagay ayaa waxaa ay ii sheegay in mudda ay u.haystan qof rag balse saakay arin la filaan ah ay ku.noqotay markii la sheegay iney dumar aheyd.

Waxaa u Kuurgalay: Liibaan Cajiib

Hadalsame Media