SAWIRRO: Maxaa ka jira sheekada in uu hawada heehabayo dhadhaab cireed DAHAB ah?!!

0

(New York) 04 Luulyo 2019 – Sheeko beryahan qabsatay dunida oo ah inuu jiro dhadhaab cireed dahabi ah oo la yiraahdo Psyche 16 oo dahabka uu ka kooban yahay uu qof kasta oo dunida saaran ka dhigayo ”bilyineer” ayaa lagu tilmaamay “war maalaa yacni ah,” sida uu qabo Peter Schiff oo ka tirsan Euro Pacific Capital.

Ninkan oo waraysi siinayay RT, ayaa qiray inay jiraan dhadhaab cireedyo ay biri ku jirto oo heehaabaya falagga u dhexeeya meerayaasha Mars iyo Jupiter, balse aanu qofna ogaan karin nooca ay yihiin birahaasi.

“Waxaa jira dhadhaab cireedyo naadir ah oo ka kooban bir saafi ah sida midda buruqda hoose ee dhulka oo ah bir dhalaalsan, balse waxaa sidoo kale jiri kara cadad aad u yar oo ah biro kale oo uu dahabku ka mid ahaan karo.” ayuu yiri Schiff.

“Balse wax ay ka ogyihiin ma jiro xogta ku saabsan xaddiga dahabka ku jiri kara dhadhaab cireedyadaasi, tan kale aad bay u adag tahay qaalina u tahay in halkaa dahab laga qodo.” ayuu daba dhigay, isagoo sheegay in dahabka dhulka laga soo saaro uu dhib badan yahay iskaba daa cirkee.

Schiff, oo ahaa dhaqaale yahankii 2008 saadaaliyay inuu dhulka geli doono dhaqaalaha adduunku, ayaa sheegay inay sheekadan xeeladi ku jirto, isagoo farta ku godey in lagu doonayo in sare loo qaado qiimaha lacag danabeedka dhijitaalka ah ee Bitcoin.

Diinteenna Islaamka ayaa si cad u sheegaysa inay birtu asal ahaan cirka ka timid.

Hadalsame Media