Micheal Jackson oo dhex geli jirey qafis uu aaminsanaa inuu ”CIMRIGA dheereeyo!” + Sawirro

0

(California) 29 Juun 2019 – Boqorkii heesaha Pop-ka, Michael Jackson ayaa la sheegay in lahaa qafis ogsijinaati ah oo uu aaminsanaa inuu da’da kula dagaallami karey, waxaana haatan qafiskaas dhalada ah soo helay DailyMailTV.

Jackson, The King of Pop, ayaa la sheegay inuu sawir qaade ku casuumey inuu sawiro isagoo ku dhex jira mashiinkaan dhalada ah oo uu kusoo iibsadey $100,000 oo doollar sanaddii 1986-kii oo uu fankiisu hawada marayay.

Waxaa lagasoo xigtey isagoo leh: ‘Waxaan noolaan doonaa ugu yaraan 150 sanadood.’

Haatan, oo 10 sanadood laga joogo geeridiisii faj’ada ahayd ayaa waxaa mashiinkaas buluugga ah oo leh meel uu qofku dhex gelayo ee kaddibna inta lagu daboolo uu ku baxayo ogsijiin la mariyay cadaadis macmal ah, waxaa hooso ku taalla koonfurta gobolka California kasoo helay DailyMailTV.

Mashiinkan oo la yiraahdo Sechrist 2500B Hyperbaric Oxygen Chamber (HBO) ayaa waxaa haatan gacanta ku dhigtay sharikad la yiraahdo Hyperbaric Modular Systems, oo ka shaqaysa arrimaha dawooyinka kala duwan.

Hadalsame Media