Nin Iiraani ah oo 23 haween ah ku shukaansaday inuu yahay Leo Messi + Sawirro

0

(Tehraan) 26 Juun 2019 – Nin aad ugu eg Lionel Messi, balse u dhashay dalka Iiraan kaasoo la yiraahdo Reza Parastesh ayaa la sheegay inuu been u sheegay ilaa 23 gabdhood oo uu kula haasaawey inuu yahay jookarka reer Argentine.

Warqaadka reer Spain ee Marca ayaa sheekaday qoray horraantii todobaadkii, wuxuuna sheegay in Parastesh uu hablahaa ugu sheekeeyay inuu yahay kubad qurxiyaha Barcelona.

Parastesh ayaa markii dambe arrintan laftiisu uga hadlay bartiisa Instagram, wuxuuna sheegay in ay “been ka sheegeen” dad doonaya inay “sumcaddiisa dhaawacaan”, kuwaasoo uu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono.

Hadalsame Media