MURUGO: Haweenay wiil yar oo ay dhashay inta cunto macaan siisay kaddib isla miidaamisay!! + Sawirro

0

(Derbyshire Peak District) 26 Juun 2019 – Hooyo ayaa wiilkeeda oo 5-jir ahaa u iibisey dalabka McDonald ee loo yaqaanno Happy Meal kaddibna markii uu cunay ayay gacmihiisa ku xirtey kuweeda iyadoo iskula tuurtay baraag wayn oo biyo ah.

Emma Sillett, 41 jir, ayaa wiilkeeda Jenson Spellman gaari ku soo kaxaysay iyadoo geeysey meel biyo galeen ah oo la yiraahdo Valehouse Reservoir oo ka tirsan degmada Derbyshire Peak District halkaasoo ay iskula tuurtay.

Warqad ay ka qortay sababta ay isu miidaamisay waxay haweenaydan oo u shaqaynaysey qaybta bulshada ku qortay in aysan aqbali karin in uu “wiilkeedu ka dheeraado”.

Booliiska ayaa maydkooda oo weji weji isu eegaya kasoo saaray biyaha calowga ah ee biyo degeenka. Waxaa goobta laga helay boorsadeedii, bacdii ay cuntada ku wateen, boombalihii iyo tooshkii wiilka yar.

Maxkamadda Chesterfield Coroner ayaa sheegtay in Ms Sillett ay sanado badan la tacaalaysey cudurka diiqada iyadoo ay 3 jeer ilmo kasoo dilmeen.

Balse booliiska ayaa sheegay in burburka xiriirka wiilka yar aabihii uu yahay sababta ugu wayn “ee nolosheeda murjinaysey.”

Waxay warqadda ku sheegtay in ay iyadu goosatay inay is disho, balse aanay aqbasheen inuu wiilkeeda yari uu nolosha wajoho iyada la’aanteed.

Hadalsame Media

Facebook Comments