DAAWO: ”Maxkamadi socon mayso!” – Danjiraha Maraykanka ee Kenya oo Somalia ka hiilliyey!

0

(Nairobi) 26 Juun 2019 – Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Kenya, Kyle McCarter, ayaa soo jeediyay in Somalia iyo Kenya wada hadal ka galaan muranka badda ee u dhexeeya mar uu wareysi siinayay TV-ga Citizen ee Kenya.

”Waxaannu si firfircoon ugu howllannahay inaanu fududeeyno heshiis xeer-jajab ah, waayo waxaan qabaa inuu yahay midka ugu fiican oo Maxkamadda laga soo noqdo.” ayuu yiri DJ McCarter.

Wuxuu sheegay in labada dal ay leeyihiin fursad wayn oo ay ku wada shaqaystaan kuna wada ganacsadaan isla markaana ay uga takhalusaan kooxda Al Shabaab.

”Dabcan ma aha howsheenna maaha inaan annagu u hadalno, balse waxaan qabaa in Kenya iyo Somalia ay leeyihiin awood ay ku wada xaajoodaan oo arrintan ku xalliyaan.” ayuu daba dhigay.

Lama oga in aragtidani tahay mid shakhsi ah oo ka timid Danjiraha iyo inay salka ku haysto moowqifka guud ee Maraykanku ku wajahayo arrintan, balse guud ahaan, ma dhacdo inuu Danjire waddan uu ku hadlo fikir khilaafsan aragtida guud ee dalkiisa marka laga hadlayo arrimo masiiri ah oo xasaasi ah.

Yeelkeede, waa moowqif khilaafsan aragtida Somalia oo ah in maxkamadda lagu kala boxo. Kyle McCarter ayaa ah nin xiriir fog la leh dalka Kenya.

Hadalsame Media