SAWIRRO: Taliyihii Ciidamada maxalliga ah ee Gobolka Amxaara oo xabsiga la dhigay (Khiyaano uu sameeynayay & jeneraalladii la khaarajiyay oo ….)

0

(Addis Abeba) 25 Juun 2019 – Booliiska Amxaarada maxalliga ah ee maamul-goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in la xirey Taliyihii Ciidamada Gaarka ah ee gobolkaasi Sarreeye Guuto Tefera Mamo, iyadoo lala xiriirinayo khaarajintii madaxda sare ee gobolkaasi iyo DF Itoobiya.

Jeneraal Tefera ayaa xabsi ku jirey iyadoo weliba loo xirey isku day afgembi ku cadaaday, balse wuxuu ka mid ahaa rag badan oo uu niyad wanaag ahaan usii daayay RW Abiy Ahmed sanadkii tegey.

Kaaga darane, Jeneraal Tefera oo aan bilowgii la garan wuxuu ilaa shalay subax ka mid ahaa dadkii soo fariisanayay TV-ga gobolka isagoo dadka u sheegaya in dhaqse loo ”fashiliyey afgembiga” isla markaana lasoo qaban doono dadka ka dambeeya oo uu dabcan isagu ka mid ahaa.

Wuxuu sheegayay in ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolku ay iska kaashanayaan sugitaanka amaanka caasimad goboleedka ay shaqaaqadu ka dhacday ee Bahir Dar.

Dhinaca waxaa haatan munaasabad baroordiiq ah lagu qabanayaa Millennium Hall oo ku yaalla Addis Abeba, halkaasoo ay yaallaan maydadka abaanduulkii ciidamada Itoobiya Jen. Seare, & Sarreeye Guud Gezai (howlgab) waxaana maydkooda la gayn doonaa magaalada Mekelle ee gobolka Tigraay, halkaasoo berri lagu aasi doono St. Gabriel Church. Madax sare oo ee DF Itoobiya ayaa ka qayb geleeysa.

Waxaa shalay sidoo kale la toogtey jeneraal kale oo baxsad ah kana mid ahaa abaabulayaasha afgembiga.

Hadalsame Media