Maxkamadda ICJ oo soo saartay taariikhda & jadwalka la dhegeysanayo dacwadda Somalia-Kenya

0

(Hague) 25 Juun 2019 – Maxkamadda Caalamiga ah ee International Court of Justice (ICJ) ayaa soo bandhigtay jadwalka kiiska dacwadda ay Somalia maxkamaddaa horgeysey ee ka dhanka ah Kenya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dacwaddu bilaabmayso Isniin 9-ka Sebtembar ilaa Jimce 13-ka Sebtembar, iyadoo ku qabsoomaysa Peace Palace oo ku yaalla magaalada Hague.

JADWALKA DHEGEYSIGA DACWADDA:

Doodda 1aad: Isniin 9 Sebtembar 2019

10a.m.-1p.m. and 3p.m.-4.30 p.m.: Somalia

Arboco 11 Sebtembar 2019

10a.m.-1p.m. and 3p.m.-4.30 p.m.: Kenya

Doodda 2-aad: Khamiis 12 Sebtembar 2019

3p.m.-6p.m.: Somalia

Jimce 13 Sebtembar 2019

3p.m.-6p.m.: Kenya

Waxaa dacwadda toos looga daawan doonaa webka maxkamadda iyadoo ku baxaysa Ingiriisi iyo Faransiis kaasoo ah www.icj-cij.org/en/multimedia-index, halka aad sidoo kale ka daawan karto webka QM ee UNWebTV, theUnitedNations online television channel. Dadka doonaya inay sawirro ama muuqaallo ka qaataan waa lacag la’aan.

Dhanka kale, dadka doonaya inay dacwadda kasoo qayb galaan waxaa fadhiga loogu tala galay dad shacab ah oo dacwadda dhegeysan kara, balse waxaa fariisanaya ciddii soo marta marka uu fadhigu buuxsamana gelitaanka waa la joojinayaa.

Hadalsame Media