Madaxtooyada Somalia oo ka hadashay shir la yeeshay inay Nairobi uga qayb geleeyso

0

(Muqdisho) 25 Juun 2019 – Waxaa ilaa shalay soo baxayey warar ay asal ahaan sheegeen saxaafadda Soomaalida oo sheegayay in uu Nairobi ka furmayo wada hadal dhexmaraya DF Somalia & maamulka Somaliland, oo sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, balse aan weli la aqoonsan.

Dad badan ayaa gunuunuc ka keenay shirkan oo la sheegay inuu dhanka Somalia u metelayo Agaasimaha Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Xersi Fursade, halka Somaliland la sheegay in uu meteli doono Wasiir Dibadeedkooda.

Yeelkeede, DF Somalia ayaa arrintaa waxba kama jiraan ku tilmaantay, waxaana warkaa beeniyay isla Dr Fursade oo adeegsanaya barta Twitter-ka, isagoo leh:

”Wakiillo ka tirsan Dowladdu (Somalia) kama qayb geli doonaan shirka Nairobi.” ayuu yiri Dr Fursade oo dhanka kale furaya suurtagalnimada wada hadal ay la galaan Somaliland.

”Ha yeeshee, waxaannu jeclaan lahayn xaqiijinta sida ay nooga go’an tahay inuu wada hadal wax dhisaya la yeelanno Somaliland, marka la helo madal ku habboon, qodobbada iyo ka qayb galayaashana la isku raaco.” ayuu daba dhigay.

DF Somalia ayaa horay u sheegtay inay yarayn doonto inay shirar uga qayb gasho magaalada Nairobi ee dalka Kenya, jeer ay Kenya aad u karaarinayso dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Somalia.

Hadalsame Media