Kenya oo dhalasho siinaysa Soomaali fara badan (Ujeedka oo aan la fahmin)

0

(Nairobi) 25 Juun 2019 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dhalasho siin doonto wax ay ku sheegtay Kenyan-ka ay horay faro uga qaadday hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR wixii loo gaaro bisha Agoosto oo xaqiijinta ugu dambayna la samaynayo.

Gordon Kilahangwa oo u hadlay Waaxda Socdaalka Kenya ayaa sheegay inay haatan wadaan tillaabooyin ay ku hubinayaan arrintan kaddibna muwaadiniinta Kenyan-ka loo ogolaan doono inay helaan Kaarka Aqoonsiga (Kibaandha) iyo Baasaboorka Kenya, bisha Agoosto wixii ka dambeeya.

Wuxuu sheegay inay kulamo u socdaan iyaga iyo hay’adda UNHCR, kuwaasoo ay ku jirt mid uu wakiilkeeda Fathia Abdalla la yeeshay todobaadkii hore.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in arrintan la hirgelin doono. Waxaan kaliya dhamaystiraynaa tafaasiil yar, dadka ay saamaysay waa inay ogaadaan inaan arrintan ka shaqaynayno,” ayuu yiri Kilahangwa, waxaana arrintaa soo dhoweeyay xildhibaanka lagasoo doorto Dhadhaab Md Mohamed Dahiye.

Soomaali badan oo iskugu jirta kuwa Kenya maamusho iyo kuwa Somalia iyo meelo kaleba ka yimid oo qaxooti ahaan halkaa u jooga ayaa jira kuwaasoo ay faro ka dhigtay hay’adda UNCHR, waxayna dadkaasi farsamo ahaan u badan yihiin dad kasoo jeeda Somalia, mana cadda ujeedka ay Kenya haatan go’aankan u gaartey.

Hadalsame Media