Hal arrin oo ay u baahan yihiin inay ka fikiraan laba qolo oo doonaya inay Somalia xukumaan

0

(Hadalsame) 25 Juun 2019 – Waqtigii ku dhaqanka diintu ugu sarrayeeyey waxay ahayd markii nebigu NNKH noolaa. Waxaa soo degayey waxyi dadka toosinayey. Waxaa joogey nebiga oo lagu dayaynayey oo cilmigiisa ku xallinayey mushkiladaha. Haddana waa la dambaabayey. Waa la is dilayey. Waxaa dhacayey gogol dhaaf. Dad khamro cabba waa joogeen Madiina. Saxaabada kuwa ugu fiicnaa ayaa arrimo isku maandhaafayey oo nebigu NNKH kala saarayey. Laakiin wanaaggaa badnaa.

Hadaba weligaa ha filan ummad wada hagaagta. Ilaah ayaa sidaas dadka u abuuray – in weligeed ceebo jiraan. Waxa maxkamad iyo qaalli loogu baahdaa waa in la og yahay in qalad dhici doono. Ogow ma dhalan doono qof nebiga NNKH ilaahay uga dhaw oo diinta uga aqoon badan. Ma jiri doono qof go’aankiisa lagu wada qanco oo ma-dambaabaan ah. Mana iman doono mujtamaca kii nebiga NNKH uga dhaw diinta.

Laba qoloba shareecada waxay ka rumaysan yihiin khayaal iyaga maskaxdooda keliya ku jira.

Qolo waa koox wadaado ah oo u qaba marka shareecada lagu dhaqmo in xiddiguhu midab kale yeelan doonaan. Waxaa u sawiran inuu dhici doono wax aan dhicin waagii nebiga NNKH. Waxay u qabaan in dhaqanka Soomaalidu hadda 100% khilaafsan yahay shareecada. Uma tirsana qolyahaas salaadda Soomaalidu tukato, xajka, qisaasta meelaha qaar laga gudo, sakada wax badan laga bixiyo, addinka laga maqlayo masaajidda iyo waxa khayr ay ummadu leedahay. Hadaad qabto in shareecadii 100% maqan tahay waxaad leedahay Soomaaliya iyo Burma iyo Guatemala waa isku mid.

Kooxda kale waa qolyo cilmaaniyiin sheegta oo diinta ka akhristay joornaal ama buugaag John iyo Mary qoreen ama ka daawaday barnaamij dad aan Islaam ahayn diyaariyeen. Sida qolyahaasu shareecada ugu qeexeen ayey ku qanceen oo waxay la tahay in dhibka adduunka iyo dib u dhacu ku imanayo ku dhaqanka shareecada.

Labadaas qolo midna ma hayo tusaale dhaw oo ay ka qiyaas qaataan oo u muujiya sida shareecada ku dhaqankeedu u keenayo isbedelka ay rumaysan yihiin.

Waxaan qabaa in sida hadda Soomaalidu tahay laga helayo wax aad u badan oo shareecadii ka mid ah. Haddii la keeno kitaab axkaam ah sida Minhaajka ama kuwa axkaamta xadiiska sida Sunanka Abuu Daa’uud ama Buluuq Maraamka, oo markaa baab walba loo eego dhaqanka Soomaalida, waxaan qiyaasayaa in inta badan lagu dhaqmo. Laakiin waxaa jira gaabis. Waxaa jira dembi. Waxaa jira aqoon darro. Waxaa jira ceebo. Intaasuna weligood waa jiri jireen waana jiri doonaan.

Shabaabku waxay u kaceen inay dhaqan geliyaan shareecada. Meelaha ay hadda maamulaan iyo meelaha qabaa’ilka ama maamuladu ka taliyaan wax sidaas u weyn oo farqi ah uma dhexeeyo. Farqigaas yar in dad loo laayo oo waddankaba loo burburiyo inuu u qalmo way habboon tahay in ay is weydiiyaan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media