Arag inta jeer ee ay Somalia u dhacan tahay dalka Kenya

0

(Hadalsame) 25 Juun 2019 – Kiiniya iyo annaga khilaaf masiiri ah baa na ga dhexeeya oo dalkayga ayay qayb sheeganaysaa, dacwad caalami ah baana noo socota.

Kiiniya qayb kale oo dalkayga ka mid ah bay ciidan ku haysataa, wax ayna taageertaa dagaalooge dawladdayda ku caasiyoobay.

Kiiniya marka ay doonto fiisaha ayay na ga xidhataa, oo noo diiddaa in aannu dalkeeda galno. Kiiniya waxaa taalla hantidii umaddayda intii badnayd, mana doonayso in hantidaasi Soomaaliya oo xasilloon ku soo noqoto.

Kiiniya waxaa ka hawlgala dhammaan hay’adaha dunida ee Soomaaliya qaabbilsan oo lacag xad dhaaf ah halkaa ku guba, mana rabto gay’adahaasi in ay ka guuraan.

Kiiniya bangiyadeeda waxaa ceegaaga hantida dhulka Soomaaliyeed oo dhan la ga soo dhaco. Waxaas oo dhan oo jira haddana diblomaasiyadda iyo danaha Qarankayga oo dhami Neyroobi bay dhex daadsan yihiin, annaguna halkaas baannu ku soo wada nasannaa oo ku soo tumannaa.

Caqliga fuud la idin ka ga shub!

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media