Jeneraalkii ka dambeeyay inqilaabkii Itoobiya ka dhacay oo la DILEY! (Ninkan oo uu asxaan horay ugu falay Abiy Ahmed)

0

(Addis Ababa) 24 Juun 2019 – Jeneraal fallaagoobey oo la sheegay inuu yahay ninka ka dambeeyay afgembigii dhicisoobey ee gobolka Amxaarada ayaa toogasho lagu diley, sida ay sheegeen Booliiska Itoobiya.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige ayaa la toogtey xilli uu isku dayayey inuu ka baxsado meel uu ku dhuumaalaysanayey oo ku taalla caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar. Jeneraalka ayaa ka mid ah rag uu sanadkii hore xabsiga kasii daayay isla Abiy Ahmed.

Ninkan ayaa la rumaysan yahay inuu sidoo kale ka dambeeyo khaarajintii Abaanduulkii Ciidamada Itoobiya Jen Seare Mekonnen oo lagu toogtey gurigiisa xilli uu isku dayayey inuu fashilo afgembiga uu ninkani qorsheeyay.

RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa shacabka Itoobiyaanka ku boorriyay inay ka hortagaan una midoobaan wax uu ku sheegay “awoodo shar ah” oo doonaya inay dalka qaybiyaan iskana hor keenaan.

Calanka Itoobiya ayaa maanta hoos loo dhigay kaddib markii ay dowladdu ku baaqday maalin baroor diiq ah si loo xusuusto dadkii lagu diley afgembigaasi iyagoo difaacaya midnimada dalkaasi.

Jen Seare iyo Madaxwaynihii gobolka Amhara jaalle Ambachew Mekonnen, oo ka mid ah ragga la khaarajiyay ayaa aad ugu dhowaa RW Abiy Ahmed, waxaana haatan ciidamo xooggan oo Federaalka ah lakala geeyay caasimadda gobolka Amhara ee Bahir Dar, iyo midda Itoobiya, Addis Ababa. Internet-ka ayaa weli go’an.

Hadalsame Media