XOG: Xaaf oo ku sugan Godinlabe & go’aanka Cadaado (Wararkii ugu dambeeyay Galmudug)

0

(Dhuusamareeb) 23 Juun 2019 – Madaxwaynaha Galmudug ee Axmed Ducaale Xaaf ayaa saacado yar kahor ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb, isagoo u jihaystey dhanka Cadaado ama Gaalkacyo.

Wararka Hadalsame Media kasoo gaaraya aaggaasi ayaa sheegaya in reer Cadaado ay Xaaf ka aqbaleen hal arrin midna ka diideen, waxay sheegeen inuu mari karo Cadaado, balse aysan ogolayn inuu halkaa ku negaado ama joogo.

Yeelkeede, waloow ay boqolleeyda badan ee Cadaado ay qabaan in Xaaf la gudbiyo, misna waxaa jira rag siyaasiyiin ah oo Xaaf raacsan oo doonaya inay dadka degaanka ka dhaadhiciyaan inuu halkaa ku negaado, kuwaaso ay ka mid yihiin siyaasiyiin ku jira maamulka Galmudug.

Waxaa kaloo jira war kale oo iminka nasoo gaarey oo sheegaya inuu dhici karo kulan dhexmara Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Xildhibaanka Mahad Salaad oo haatan ku wada sugan Gaalkacyo iyo Madaxwayne Xaaf.

Xaaf ayaa la sheegay in uu xilligan ku sugan yahay degaanka Godinlabe, oo ah magaalo yar oo ku taalla inta aan la gaarin Cadaado, halkaasoo loogu hilba qalayo isaga iyo inta la socota. Waxaa xitaa jira warar nasoo gaarey oo sheegaya in Sh.

Shaakir oo ku magacaaban Madaxa Xukuumadda ay dhici karto inuu isku deyayo soo caro celinta Xaaf oo uu ugu tegayo Godinlabe, balse warkaasi isma soo tarin oo warkii ugu dambeeyay ee ilaheenna Dhuusamareeb waxay noo xaqiijiyeen in Sh. Shaakir uu weli ku sugan yahay magaalada.

Dhanka kale, xarunta Madaxtooyada Galmudug ee uu ku shaqeynayay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa tegey Madaxa Xukuumada Galmudug Sh. Shaakir iyadoo lagu wareejiyey furayaasha xaruntaasi iyadoo amniga xaruntana ay la wareegeen ciidamo gaar ah.

Xarunta waxaa yaalla dhamaan agab xafiiseedkiisii iyo gawaari ay lahaayeen Wasaaradaha qaarkood, waxaana la sheegay in Madaxweyne Xaaf uu furayaashooda ku reebey howl wadeennada qaarkood isagoo kala ballamay in ay furayaasha u dhiibaan Sh. Shaakir lana badbaadiyo agabka bulshada Loogu adeegayey, sida uu sheegay weriye goobjoog ah.

Guud ahaan waxaa jira dareen guud oo ah in wax kasta si nabadeed lagu dhameeyo iyo in la qabto doorasho keenta in la fariisiyo xaaladda gobolkaasi oo ay ku habsatey hoggaan xumo is xigxigtey, si dhulka looga qaado adeegyada iyo umadda burbursan ee gobolka.

Hadalsame Media