TALO: Maxaa la GUDBOON Soomaalida haddii uu Itoobiya ka bilowdo DAGAAL SOKEEYE?!

0

(Hadalsame) 23 Juun 2019 – Haddii dagaal sokeeye Itoobiya ka qarxo, qiyaastayda waxa uu noqon doonaa mid lagu riiqmo oo asaga 9o kale aan Afrika horay u arag. Waxaa loollami doonaa 3da qowmiyadood ee dalka ugu awoodda badan, Oromo, Amxaaro iyo Tigrey.

Balse, sida aan filayo marka dagaalku bilowdo Tigreegu gobolkooda un bay difaacan doonaan, waxa ayna qiimayn doonaan waxa dhexmari doonaa Oromada iyo Amxaarada oo noqon doona labada qolo ee dalka awooddiisa ku dagaallami doona, amaba in ay qaarkood goosi raadiyaan sida Tigreega ama xitaa Oromada.

Waxaa kaloo dhici karta in marka labada qolo ee Oromada iyo Amxaaradu isjilciyaan ay Tigreegu Oromada u hiilliyaan si ay dawlad wadaag ah u la sameeyaan.

Ma hilmaansani in Itoobiya leedahay saaxiibbo mar walba u soo hiilliya waana dhici kartaa in Amxaaradu helaan hiillo Yurub iyo Ameerika ka timaadda Oromadana argagixiso lagu shaabbadeeyo.

Soomaalida ayaga waxaa la gudboon in ay marka hore midoobaan oo dhistaan ciidan difaaca dadkooda iyo dalkooda, haddii xaalku faraha ka baxo waa in ay u dhaqmaan sidii Kurdiyiinta Ciraaq oo kale aysanna ku deg degin go’aan caaddifadaysan sida goosasho soo booddo ah iwm, balse ay degsadaan siyaasad gadmi karta maxalli ahaan iyo caalami ahaan oo ujeedkeedu yahay isla go’itaankaas.

Soomaaliyada xorta ah lafteedu waa inay ku tashataa inay ka fikirto siyaasad haadsan oo ay dabaqdo haddii ay lacalla arrintani timaaddo, siyaasad weliba aad u xeel dheer oo doqoni ma garato ah, balse qoto dheer oo ay ka dhadhamayso soo noolaynta danta guud ee Soomaaliyeed, haddii hal nidaam la hoos tegayo iyo haddii kaleba, taasoo ah wax haatan ka maqan masraxyada lagu falanqeeyo waxa yooyootanka ah ee ay Soomaalidu siyaasadda u bixisay ama u fahamtey.

Waxaa Qoray: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media