DEG DEG: Khayrre oo ku wajahan Dhuusamareeb & Xaaf oo hadda iska tegey

0

(Dhuusamareeb) 23 Juun 2019 – Sida haatan hilin wareedka Hadalsame Media kasoo gaaraysa magaalada Dhuusamareeb waxaa la sheegayaa inuu magaalada haatan iskaga baxay Madaxwayne Axmed Ducaale Xaaf.

Xaaf ayaa la sheegay in uu diidey inuu la kulmo Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia Md Sabriye oo magaalada jooga.

Ilaa haatan lama xaqiijin karo halka uu ki wajahan yahay Md Xaaf, balse waxaa jirey ciidamo beeleed kasoo dhaqaaqay dhanka Gaalkacyo oo soo gaarey.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Xaaf uu ka caroodey ciidamo Dowladu usoo daabuleyso Magaalada Dhuusamareeb.

Goor dhow ayuuna ka ruqaansadey magaalada Dhuusamareeb isagoo horay u watey gaadiidkiisa, waxa uuna ku sii jeedaa dhanka Gaalkacyo isagoo sii maraya agaalada Cadaado.

Raysulwasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu berri imaanayo Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamo iyo wufuud hordhac u ah ay dhowaan ka soo duulayaan Muqdisho.

Ahlusunna iyo Dowlada ayay Macquul tahay in ay si deg deg ah ugu dhawaaqaan heshiis ay ka haareen arrinta doorashooyinka kaa oo berri lagu dhawaaqi karo kaddib imaatinka Kheyrre, sida uu sheegayo weriye goobta ku sugan.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulaahi Warsame Rooble

Hadalsame Media