”Dowladda Maraykanku waxay maamullada uga HIILLISAY DF Somalia!” – Matt Bryden

0

(Muqdisho) 19 Juun 2019 – Dowladda Maraykanka ayaa dorraad waxay 28 sano kaddib dib u furatay xafiiska hay’adda Maraykanka ugu qaybsan horumarinta ee USAID, taasoo Somalia iskaga baxday kaddib markii ay dagaallada sokeeye soo caga dhigteen magaalada Muqdisho 1991-kii.

Furitaanka xafiiskan ayaa noqonaya astaan muujinaysa wax lagu sheegay “ka go’naanta dowladda Somalia ee dib ula macaamilka caalamka”, iyadoo uu Maraykanku yahay dal ka mid ah kuwa ugu waawayn ee Somalia siiya gargaarka bini’aadminimo, isagoo 2018 sheegay inuu Somalia siiyay $672 milyan oo doollar, sida ay qabto USAID.

”MIISAAN SIYAASADEED”

“Waxaannu doonaynaa inaan gacan ka gaysanno nabadda iyo xasilloonida, aan xoojinno hay’aadka dowladda, isla markaana aan abuurno xaalad Somalia looga samayn karo kobac iyo maalgelin dhaqaale,” ayuu yiri maamulaha USAID, Mark Green oo Isniintii joogey xafladdii lagu furayay xafiiskan ee Muqdisho.

Sida uu qiray Matt Bryden oo aan ka mid ahayn dadka khayrka ka sheega Somalia kuna magacaaban la taliyaha istaraatijiga ah ee hay’adda Sahan, waxay arrintani DF Somalia u leedahay “miisaan siyaasadeed,” isagoo sheegay in dowladda dhexe siinayso awood dheeraad ah oo ay ku wiiqdo awoodda maamullada ku fallaagoobey.

Wuxuu sheegay Matt Bryden in Maraykanka si wayn loogu arko mid ka mid ah dalalka reer Galbeedka ah ee dowladda Federaalka ku taageersan qaabka ay u wajahayso maamullada, iyadoo furitaanka xafiiska USAID ay DF Somalia u noqonayso taageero siyaasadeed iyo dhabar ka taabasho uga imanaysa dhanka Maraykanka, si ay u xakamayso maamullada oo marar badan aan ka amar qaadan dowladda dhexe.

Hadalsame Media