AC Milan & UEFA oo qarka u saaran inay heshiis gaaraan (Milan oo doonaysa inay EL ka….)

0

(Milano) 18 Juun 2019 – Waxaa soo baxaya warar cusub oo ku saabsan heshiis dhexmara AC Milan iyo UEFA, kaaso khuseeya inay Milan hesho hal arrin si ay mid kale uga samirto, kuwaasoo ku saabsan xeerka dhaqaale wanaagga FFP.

Sida uu qorayo Corriere.it, Milan ayaa doonaysa inay sanadkan ka fariisato Europa League taasoo meesha ka saaraysa xisaabta 3 fasal-ciyaareed oo lagula dheggan yahay iyadoo ku bedelanaysa in loo kordhiyo xilliga ay doonayso in ay isu miisaanto dakhligeeda iyo kharashkeeda oo horay loogu qabtay 2020-21.

UEFA oo lafteedu heshiiska rabta

Xafiisyada Nyon ayaa la sheegay inay u guuxeen soo jeedinta Milan, maadaama ay fahamsan yihiin in FFP oo loogu tala galay inay kooxuhu kaga badbaadaan qaamaha badan ee lagu leeyahay uu haatan noqday caqabad kooxaha lacagta haysta kaddib markii la iibiyo, sida Milan ka hor istaaga inay laacibiin cusub soo iibsadaan, taasoo kordhisey farqiga u dhexeeya kooxaha waawayn ee Yurub oo ay qaarkood kor u keceen kuwana dhulka galeen.

AC Milan ayaa sidaa darteed doonaysa inay sidoo kale la noqoto rafcaanka ay u qaadatay Maxkamadda Cadaaladda Ciyaaraha ee CAS, iyadoo ay UEFA rideeyso xukun waafaqsan sida ay ku heshiiyeen iyaga iyo Milan, waxaana booska Milan ee EL geleeysa kooxda Torino, waxayna Milan taa biddaalkeeda helaysaa fursad iyo waqti dheer oo ay isku dhisto.

UEFA ayay sidoo kale arrintani ka caawinaysaa inay xakamayso kooxaha kale, marba haddii ay xukunkeeda aqbasho Milan oo horay xukun lagu ridey rafcaan uga guulaysatey UEFA.

Hadalsame Media