Xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay diyaarinayeen

0

(Bariirre) 17 Juun 2019 – Ugu yaraan labo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen qarax la sheegay in ay ku diyaarinayeen deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo halkaa ka dhowaa ayaa lagu warramayaa inay markiibaa gaareen goobka uu qaraxu ka kacay, waxaanay ugu tageen maydka laba nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen malliishiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dabeeto agagaarka ka bilaabay baaritaanno muddo soconayay, waxaana la sheegay in nimankani ay qaraxa ku diyaarinayeen guri dhexdiis.

Bariire oo ilaa 60 KM ku dhowaad jihada koonfureed ka beegan caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada DF Somalia oo dhowaan la wareegay.

Yeelkeede, kooxda Shabaab ayaa ku soo qaadda weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah.

Hadalsame Media