”Kuu joojin mayno!” – Turkiga oo horraanta bisha soo socota helaya gantaalaha S-400 & Maraykanka oo u gooddiyey!

0

(Ankara) 17 Juun 2019 – Turkiga ayaa bilowga Luulyo sugaya daabulitaanka hanaanka daafaca gantaalaha casriga ah ee Ruush sameega ah ee S-400, sida uu shalay warbaahinta u sheegay Madaxwaynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

“Waxaan rumaysanahay inuu (S-400s) iman doono qaybaha hore ee bisha Luulyo. Dadka ku shaqada leh ayaa si wanaagsan howsha u wada,” ayuu Erdogan u sheegay CNN Turk.

Heshiiska Ankara iyo Moscow ayaa walaacinayay Maraykanka, iyadoo ay Washington ku hanjabtey cawaaqib ka dhasha oo ay ka mid noqon karto cunaqabatayn la saaro dalkan ay NATO ologga ku yihiin.

Ku Simaha Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka, Patrick Shanahan ayaa warqad uu soo diray bilowgii bishan wuxuu Turkiga ua digey inay ka laabtaan iibsiga gantaalaha S-400 ilaa 31-ka Luulyo, haddii kale Maraykanka laga soo eryi doono duuliyeyaasha Turkiga ah ee haatan loo tababarayo inay kexeeyaan miigagga casriga ah ee F-35, balse Ankara ayaan u joojinin.

Turkiga ayaa qorshaynayay inuu Maraykanka ka iibsado ilaa 100 xabbo oo ah F-35, iyadoo ay xirmada qayb ka tahay in ay wershadaha Turkigu farsameeyaan qaybo ka mid ah kabka dayuuradahan.

Hadalsame Media