DEG DEG: Dad ciyaar daawanayay oo la isku qarxiyay (70 iskugu jirta dhimasho & dhaawac)

0

(Borno State) 17 Juun 2019 – Ugu yaraan 30 qofood ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay woqooyi bari Nigeria, xilli ay taageerayaal daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah oo toos ah.

Ilaa 40 kale ayaa ku dhaawacantay, weerarkan oo 3 qaybood ka koobnaa ayay gaysteen 2 gabdhood iyo wiil isku soo xirey walxaha qarxa, sida ay sheegtay Hay’adda Maaraynta Xaaladaha Deg Degga ah ee dalkaasi Nigeria (EMA).

Dadka iska qarxiyay ayaa dhex istaagey bannaanka hool ku yaalla xaafadda Konduga oo ku taalla gobolka Borno State.

Weerarkan ayaa loo badinayaa inay soo maleegtey kooxda xag-jirka ah ee Boko Haram, balse weli lama xaqiijin taa mana jirto cid sheegatay.

Kooxdan ayaa lagu aasaasay ila gobolka Borno State, iyadoo weerarro badan oo bahalnimo ah ka gaysanaysey qaybo badan oo ka tirsan gobolkan tan iyo 2009-kii.

Hadalsame Media