DAAWO: Xaflad ay Toronto Raptors koobkeeda kusoo bandhigaysey oo mar qura RASAASI ka dhacday (Khasaare & kala carar)

0
Toronto Raptors guard Kyle Lowry raises the Larry O'Brien NBA Championship Trophy during Raptors victory parade celebration in Toronto, Ontario, Canada, June 17, 2019. REUTERS/Moe Doiron ORG XMIT: TOR313

(Toronto) 17 Juun 2019 – Mar qura ayay cabsi iyo kala carar isu bedeshey xaflad lagu soo bandhigayay koobka ay qaadday kooxda kubadda kolayga Canada ee Toronto Raptors oo markii ugu horreeysey taariikhda qaadday horyaalka kubadda kolayga NBA.

Xafladda ayaa ka socotey fagaaraha Nathan Phillip’s Square, balse waxaa mar qura la maqlay rasaas dhacday, markaasoo ay dadkii is wada buurteen.

Booliiska ayaa la sheegay inay soo qabteen laba qofood, isla markaana waxaa isbitaalka loola cararay laba qofood oo dhaawacyo qaba. Laba qori ayaa sidoo kale la qabtay.

Baaritaanno ayaa socda, si loo ogaado sida ay wax u dheceen.

Hadalsame Media