Coodka CAWAD lagu casuumayo cid ka mudan ku CAAWIYA!

0

(Hadalsame) 17 Juun 2019 – Maalmihii Siciid Deni la doortay ayaa magaalada aan degenahay lagu qabtay xaflad lagu taageerayo Guushiisa, waxaan idhi: ”war Ilaahay aynu ka baqno oo caddaaladda dhiirrigelino, oo xildhibaannada 66ka inan yar oo waxaa kujira reer Garoowe ah oo kaligii diiday laaluushkii musharraxiintee.

”Isaga aynu xaflad u qabanno, oo wanaagga dhiirrigelino, oo samaha buunbuunino, waynu dhimanaynaa ee aynu dalkeenna iyo diinteenna u tudhno, oo Ilaahay ka baqanno, oo aynu iska dayno inaynu musuqa dhiirrigelino”

Dadka qaar waxay ii haysteen inaan cid diidanahay, war hebel reer hebel maaha ee haddaan meeshii iman waayo yaan sidaa loo qaadan.

Imika reer Oslo waxaan leeyahay lacagta aad ku bixinaysaan soo dhaweynta, casho casheynta iyo koolkoolinta muusiga iyo xafladeynta leh ee aad Cawad u qabanaysaan, ku taageera dadka mudan.

Marxuum Ahmed Salah Hassan oo go’aan uu Cawad guddoomey dartii loogu soo celiyay Somalia, isaga iyo dad kale, kaasoo ku dhintay qaraxyadii Muqdisho kaddib markii Maraykankana laga celiyay, haddaba lacagahaa carruurtiisii u dira Ilaahay ha idin barakeeyee.

Dhallaankaas Soomaaliya ku dhibbanina ha arkaan in ay leeyihiin muwaadiniin dareenkooda agoonnimo og, la tiiraanyoonaya lana xanuunsanaya.

Waxaa Qoray: Hal-abuur Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media