DF Somalia oo ka hadashay halka uu ku dambeeyay mashruucii jidadka Muqdisho-Jowhar-Afgooye

0

(Muqdisho) 16 Juun 2019 – DF Somalia ayaa dhowaantan sheegtay inay Midowga Yurub ka heshay lacag dhan 42 milyan oo euro oo lagu dhisayo jid laami ah oo aan weli la sheegin goobta laga dhisayo, balse uu dhererkiisu yahay 350 km.

Yeelkeede, dadka Soomaaliyeed ayaa is waydiinaya halka uu ku dambeeyay mashruuc horay loo sheegay inay maalgelinayso dowladda Qadar oo ku saabsan laba jid oo Muqdisho ku kala xiraya Jowhar iyo Afgooye.

Waxaa su’aashaa la hor dhigay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Dib u dhiska Md Cabdi Aadan Hoosow oo waraysi siinayay hilinka dowladda ee SNTV.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaasi uu sidiisii u taagan yahay, balse la wado turxaan bixin dhanka farsamada ah, balse aanay jirin caqabad ku timid qabsoonka mashruucaasi.

”Dowlad iyo hay’adi isku mid ma aha, marka waxaa soconaya howlo xafiisadeedyo kala duwan, balse mar aan dheerayn baan soo sheegi doonnaa xilliga uu bilaabmayo.” ayuu ku yiri SNTV oo Wasiirka waraystay.

Hadalsame Media