CAASHOOYINKA CASUUSAN: CAR TAABO… Waxay ku hubaysan yihiin budad & faasas waxayna gurigiisa ugu tagaan ninkii naagtiisa garaaca + Sawirro

0

(Badausa) 16 Juun 2019 – Waxay leeyihiin rug aan rasmi ahayn oo ay ku shiraan haween ka jira dalka Hindiya oo la yiraahdo Pink Gang, oo ah haween iskood isu diray oo ku nool magaalo beereed habaas badan oo la yiraahdo Badausa, taasoo 250 mayl u jirta astaanta jacaylka Taj Mahal, gobolka woqooyi ee Uttar Pradesh.

Rugtan oo ah dhisme sidii sanduuqa u samaysan waxaa iska leh Sampat Devi Pal, oo ah taliye iskii iskugu magacaabay hoggaanka gulabi gang, oo ah baandada casuusan oo xirta saari midabkaa leh.

MAXAY QABTAAN?

Maalin kasta waxaa haweenkaa usoo ashtakooda haween taageero doon ah oo raggooda ka sheeganaya, oo haweenkan jiritaankooda warbaahinta ka arkay.

Waxay qaarkood kasoo safraan meelo fog fog, iyagoo haweenkan la wadaaga sheekooyin xanuun badan oo aan looga garaabin min booliis, oday dhaqameed, qoysaskooda iwm.

Haweenkan ayaa fara geliya arrimaha qoysaska ay ka taban tahay iyagoo gurmad u sameeya haweenka ay raggoodu garaacaan, lacagaha ama dahabka meherka loo diido iyo kuwa ay silciyaan waalidka ninka qaba.

Marka ay maqlaan inuu ninku dhibloow yahay waxay soo raacaan haweenayda, iyagoo sita budad afkooda lagu yiraahdo laathi — oo la mid ah kuwa booliiska iyo faasas, waxayna ninka u sheegaan inuu isbeddel la yimaado, iyagoo tillaabo ka qaadaya haddii aanu taa ku dhaqaaqin.

Kooxdani iminka dad badan ayay u yihiin halka ugu dambaysa ee ay cadaalad u miciin bidaan, waxayna mararka qaar caawiyaan, rag dhibban, sida aabbe gabadhiisa oo 17-jir ah inta la kufsaday misna lagu xirey eedaymo been abuur ah.

Sidaa darteed, haweenkan oo iminka aad u xoogaysanaya ayaan xitaa iminka ku ekayn ragga dumarkooda garaaca ama dhiba, balse waxay xitaa la macaamilaan booliiska iyo siyaasiyiinta musuqa ah.

Tusaale ahaan, gabadha aannu sheegnay waa 17-jir la yiraahdo, Sheelu Nishad, taasoo loo gaystey kufsi wadareed uu ka qayb qaatay xildhibaan goboleed ay garanaysey oo la yiraahdo Purushottam Dwivedi. Nishad ayaa deeto booliiska ku dacwaysey, balse halkii cadaalad la siin lahaa waxaa la dhigay xabsiga.

Hadalsame Media