Al Shabaab oo qiratay arrin ay dadku u qaadan waayeen!

0

(Muqdisho) 15 Juun 2019 – Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka geystay dilal kala duwan oo ay ku dhinteen dad Shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Weerarada Al Shabaab oo u badan toogasho iyo qaraxyo ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa qaarkood la ogaaday inaysan laheyn bartilmaameyd sax ah balse ujeedku yahay uun in dad la laayo, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu shaaciyay macluumaad aan la fileyn.

Barnaamij lagu magac daray Gungaar oo laga baahiyay TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa lagu wareystay labo ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay sida Al-shabaab u geysteen 7-qarax iyo labo dhacdo oo lagu rasaaseyay gawaari ay dad rayid ah saarnaayeen, dhaamaan falalksasi hal nin oo Al Shabaab uga Masuul ahaa ayaa ka sheekeeyay.

Canshuur Cusmaan Abuukar oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya kuna xukuman dil toogasho ah ayaa laga helay xogta sida ay dhacdooyinkaasi u dhaceen isagana uu masuulka ka ahaa,

Canshuur Cusmaan, waxaa lala wareystay ruux kale oo lagu qabtay Daljirka Dahsoon, waxaana Canshuur uu sheegay inuusan diin ahaan iyo maadi ahaanba wax baran oo uu ahaa ruux ka yimid dhanka Miyiga (Baadiyaha).

“Aniga Dugsi Qur’aan iyo Iskuul ma dhigan, meesha aan ku noolaa meel miyi ah ayay aheyd, iskuulna lagama aqoonin” ayuu yiri Canshuur.

Canshuur Cusmaan, ayaa sheegay inay isaga iyo koox ka tirsan Al Shabaab ay masuul ka ahaayeen weerar dad shacab ah lagu laayay oo ka dhacay agagaarka isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo lagu dilay dad caruur u badan oo isku qoys ahaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka dambeeyeen weerar lagu dilay gabar ka tirsaneyd ururka Haweenka iyo wiil ay dhashay Batuulo Axmed Gabale, kuwaasi oo lagu dilay agagaarka isgoyska VIA Roma ee degmada Xamarweyne.

Dhamaan dilalkaasi ayuu sheegay inay iska rasaaseeyeen gaadiidka ay la socdeen, maadaama aysan iyaga aheyd bartilmaameydka, balse ay iska dileen dadweynahaasi kadib markii ay waayeen dad kale oo masuuliyiin dowladeed ah oo ay rasaasta la dhacaan.

Waxay arintaasi abuurtay walaac kale oo amaan, taasi oo saameynteeda leh.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media