XIFAALO XARAABAD LEH: Nin hal codsi cajiib ah waydiistey 4 xaas oo uu isla qabey!

0
In this Aug. 15, 2009 photo, polygamist Mohammad Inaamulillah Bin Ashaari, center, is shown with his four wives, from left, Rohaiza Esa, Ummu Habibah Raihaw , Nurul Azwa Mohd Ani,and Ummu Ammarah Asmis at the "Ikhwan Polygamy Club Family Day" in Rawang, north of Kuala Lumpur, Malaysia. Polygamy is legal for Muslims in Malaysia, though not widespread. The Ashaari clan believes it should be. Last month, the sprawling family launched a Polygamy Club that seeks to promote plural marriages for what it says are noble aims, such as helping single mothers, prostitutes and older women find husbands. (AP Photo/Mark Baker)

(Hadalsame) 14 Juun 2019 – Waxa la sheegaa in nin ay u dhaxeen afar haween ah: Minweyntii buu u yimi. wuxu weydiistay in ay habeenkeeda ay u fasaxdo bahaha kale kol haddey dhalmadeysay oo aan waxba laga dheefeyn!

Waxay tiri: “Ma yeeli karo, oo hadda wixii ka horeeyey carruur korin ayaan ku jirey, hadda oo ay iga waaweynaadeen ayaan naftayda daryeelkeeda u soo jeestay”.

Minyarada oo ma dhalays ahayd ayuu u tagay, wuxu weydiistay in habeenkeeda fasaxdo kol haddii aaney waxba dhalayn. Waxay tiri “Ma sameyn karo oo carruur iyo ninba adaa ii ahaa, oo habeenkaad ila joogto ayaa neeftaada weheshadaa, oo si qumman u seexdaa!”

Min-dhexadii ayuu weydiistay in ay habeenkeeda fasaxdo, kol haddey uur sedkiisu dhow yahay leedahay. Waxay tiri: “Runtii anigu waxba kaagama baahni, hase yeeshee ilmaha caloosha ku jira ayaa ku koraya salaanta aad siiso ee ilmahaagu yuu kaa qallalin!”

Min-dambeedkii ayuu weydiistay in habeenkeeda fasaxdo kol haddeyan weli si mug leh u baran basarka rag loo dhaqo. Waxay tiri “Haddii aanan garaneyn basarka rag loo dhaqo sow adiga ma ahan qofka i baraya, mase nin kale ayaa i baraya?”

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdullaahi Jaamac

Hadalsame Media