HESHIIS DHACAY: Maurizio Sarri oo ugu dambayn Chelsea u waydaaranaya dhanka Juventus + Sawirro

0

(London) 14 Juun 2019 – Maurizio Sarri ayaa ugu dambayn ku biiri kara kooxda Juventus kaddib marii ay kooxda Bianconeri ay bixisay £7milyan oo magdhow ah oo ay siisay kooxda Chelsea habeennimadii xalay.

Labada naadi ayaa heshiiska gaarey kaddib markii ay London ku kulmeen maareerayaasha ciyaaraha labada naadi ee Chelsea Marina Granovskaia iyo Juventus Fabio Paratici, oo shalay arrintan turxaan bixinteeda halkaa u tegey.

Sarri, 60 jir, ayaa qandaraas 2 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadanayo £5m oo gini kula jirey kooxda Chelsea, waxayna Blues ka caga jiidaysey inay si fudud Juventus ugu fasaxaan macallin Sarri, iyadoo ay xitaa jireen warar sheegayay inuu sii joogi karo maadaama aanay dadka bedelayaa cajabinin kooxda Chelsea.

Waxaa la sheegayaa in iminka arrintaa la dhameeyay oo ay Bianconeri macallinkan sanadkan siin ayso €3m oo euro iyo bareemiyo, wuxuuna horay usoo kexeeysan doonaa dhamaanba shaqaalaha la shaqeeya sida Paolo Bertelli, Luca Gotti iyo Marco Ianni, sidoo kale macallin xigeenkiisii Empoli jaalle Giovanni Martusciello.

Hadalsame Media