”Dhaadhaannimo waa u dhalatay, doqonnimaase kuu dheer!”

0

(Hadalsame) 14 Juun 2019 – Nin barafasoor ah ayaa xaaskiisii ka waayey ixtiraam. Waxay la ahayd islaanta in ninkeedu aqoontiisa caalim ku yahay, laakiin uu nolosha caadiiga ah doqon ka yahay. Wuxuu is yiri, si ay qiimahaaga u ogaato, maalin u kaxee jaamacadda aad wax ka dhigtid oo ha aragto sida aqoonyahanada kale iyo ardaydu kuu qaddariyaan.

Wuxuu geeyey fasal aad u weyn oo uu dersi ka dhigayey maalintaas, xagga dambe ayuu fariisiyey, dersigiisii ayuu iska bilaabay. Erey-cilimyeedyada uu sharraxayey, sumadaha uu sabuuradda ku dhigayey, xisaabaha uu ka shaqaynayey, aragtiyaha cilmiyaysan ee uu faahfaahinayey islaantu waxba kama fahmin.

Markay soo noqdeen ayuu yiri “Haye…. bal warran?” Waxay tiri “Ninyohow doqonnimo waan kugu ogaa, laakiin in doqonimada waalli kuu dheer tahay kuguma ogayn. Waxaad saacadaha ka hadleysey xabbad lagama fahmeyn”

Dadka kala duwan in qof walba wax noloshiisa xiise u leh oo uu fahmi karo lagala hadlo isagoo xoojinaya ayaa Imaam Cali bin Abii Daalib laga sheegay inuu yiri ”dadku wax ay fahmayaan kula hadla”. Barafasoorku sida uu is yiri wax u xalli dhib cusub ayeyba u keentay.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media