Siyaasi jirrani kugu jeedi jambal aanay dani kuugu jirin!

0

(Hadalsame) 11 Juun 2019 – Marka shacabku waxqabad kaa sugayaan oo aad wax qaban weydo in lagu naco oo kacdoon lagugu bilaabo ayaa suurtagal ah. Weliba marka xukunkaagu dheeraado waa ugu sii daran tahay.

Mao Zedong wuxuu 33 sano ahaa hoggaamiyaha Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha u taliya. Markuu shacabku daalo oo su’aaluhu bataan wuxuu yaqaanney sida loo sii jeediyo. Mar wuxuu yiri waa in la dabar gooyaa afarta cadaw ee shiinaha oo ah kaneecada, jiirka, duqsiga iyo shinbiraha beeraha cuna. Afar sano (1958 -1962) sidaasaa lagu sii jeeday.

Mar kale isagoo 73 jir ah ayaa muddo la waayey oo inuu dhintay suuqa la geliyey. Subixii dambe ayaa telefishinka toos looga soo saaray isagoo ku dabaalanaya webiga Yangtze oo muddo hal saac ah ku dabaashay 15 km. Dhawr sano oo ka dambeeyey dadkii dabaal ayey ku mashquuleen xanuunkiisiina waa la illaaway.

Xajaaj bin Yuusuf ayaa madax looga dhigay Ciraaq oo ahayd meel dadkeedu siyaasadda aad uga sheekeeyaan una su’aalo badan. Wuxuu shacabka ku sii jeedin jirey xoog. Wuxuu ballan ku qaaday in maalintaa ka dib su’aalaha keliya oo ay is weydiiyaan ay ahaan doonaan kuwo ku saabsan jirkooda; “gacantii see kuu tahay? Nabarkii xajaaj kugu dhuftay ma kuu bogsaday? IWM” oo ay ka hari doonaan falanqaynta siyaasadda. Waana kaga dhebeeyey oo subixiiba waxaa la sheegay inuu masaajidka dhexdiisa oday ku dilay. Ma waxaan la aamusin baa!

Shacabka in la iska sii jeediyo waxay leedahay wejiyo badan. Soomaalida waxa ugu weyn ee la isaga sii jeedin karo waa ‘reerkeenaa loo dan leeyahay!’, ‘guushii waa soo dhawdahay!’, ‘cadawgu yaanu naga dhex faa’iidaysan!’ . Reer walba ninka dareensiiya inuu iyaga belaayo aanay u jeedin ka hor taagan yahay ayaa maaweelin kara.

Waxaa Qoray: Cabbulqaadir Diiriye

Hadalsame Media