RASMI: Kenya oo ku dhaqaaqday tillaabo cusub oo Somalia ka dhan ah (Dhegeyso)

0

(Nairobi) 11 Juun 2019 – Dowladda Kenya ayaa ku dhaqaaqday tillaabo ay maalin hore ka dhawaajisay iyadoo haatan ku dhawaaqday xiritaanka xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismaamulka Lamu.

Kenya ayaa sheegtay in aanu jiri doonin wax dhaqdhaqaaq ah oo ama ka baxaya ama kasoo gelaya qaybtaasi, gaar ahaan karta xadka Kayuunga iyo Raaskaambooni.

Kenya ayaa tillaabadan u cuskatay wax ay ku sheegtay walaac dhanka amaanka ah oo ka soo cusboonaaday deegaanadaasi.

Lama oga inay arrintani xiriir la leedahay weerarro ay halkaa ka gaystaan kooxda Al-Sabaab iyo inay ku xiriirsan tahay muran badeedka ay Kenya sheegato inay Somalia kula jirto.

Hoos ka dhegeyso warbixin ay arrintaa ka diyaarisay VOA

Hadalsame Media