KA QUUSTA! Farriin ku socota madaxda maamullada ee Nairobi la haya!

0

(Hadalsame) 11 Juun 2019 – Waa farriin u socota Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku shiraya Nairobi. Mudanayaal, Madaxweynayaal, iga hooya salaan Soomaalinnimo, salaan saaxiitinnimo oo Muqdisho ka timid oo aan khadka idiin soo marinayo. Waxaan qiyaasayaa Ramadan iyo waddac ka dib in aad quraac wanaagsan qaadateen, qadaduna ay idiin soo carfeyso. Allah ha idiin daaweeyo.

Ma qabo in khilaafka hadda idiin dhexeeya looga sii daro. Mana qabo in uu sii jiitamo. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan. Ma qabo in khilaafka looga sii daro, oo caasimado shisheeye loo raro, sababta oo ah ma xammili karno, waana ka soo kornay shir Soomaaliyeed oo ka dhaca dal shisheeye.

Ma qabo in khilaafku uu sii jiitamo, waayo wakhtigu waa warmoog oo kama warqabo khilaafka. Wakhtigu uma hakanayo xalraadin ee sidiisii ayuu u xawaareynayaa kol dhowna wuxuu na geynayaa xilliga doorashada.

Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan. Waxaan qabaa in majliska minankeenna sharafta leh lagu dhex murmo. Waxaan qabaa in aan Gobol keliya loo fakarin ee heer Qaran loo fekero. Gobol badbaadayaa ma jiro haddaan Qaranku badbaadin. Gobol keligii horumar weyn oo taabba-gal ah sameyn karaana ma jiro.

Muqdisho marti kama tihiin. Waa caasimaddiinna. Waxaan qabaa in aad timaaddaan, Madaxweynaha iyo Madaxda kalena aad la gorgortantaan. Ma fududa. Laakiin yaa yiri arrimaha Soomaaliya ayaa fudud? Yaa yiri sida dal dib loogu dhiso ayaa fudud?

Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada la kala maqan yahay, wakhtiga doorashada ka dhimmani isaga oo aan ka warqabin khilaafka uu ku xawaareynayo hoos-u-tiris aan la hakin karin, kala fogaashuhu wuu sii qoto dheeraanayaa, wuuna sii xoogeysan doonaa. Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo, wuxuu mid waliba ku go’aan qaadan doonaa tuhun, xumo-filasho, baqdin iyo yaan lagu gaadin.

Madaxweynow, intaas midkoodna ma aha waxa ay kaa sugayaan dadka ku doortay.

Fool-ka-fool in loo wadahadlo waxay keeni kartaa isu soo dhowaasho iyo in xal la gaaro. Waan ogahay in Garowe ayaad isku daydeen in is-af-garad la gaaro. Laakiin inta khilaafku uu taagan yahay, wakhtiguna xawaareynayo, ma ahan in laga quusto is arag iyo wadahadal oo ah dariiqa keliya ee idiin furan.

Haddii aad xallin weydo mushkiladda, ugu yaraan garawshiyo ayaad ka heli doontaa shacabka, waa haddii aad gar leedahay, bulshadana aad la wadaagto.

Waad ogtihiin markii aad idinku ku baaqdeen shir, oo Madaxweynaha aad u yeerteen in uu idiin yimid. Keliya ma aha ee in uu hore u soo waday Wasiirro dhowr ah iyo Hormoodkooda.

Waxba kuma jabna ee waa geesinnimo iyo Soomaalinnimo in aad martiqaad la’aan aad idinku u timaaddaan.

Si gaar ah waxaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi xusuusinayaa, fursadda gaarka ah ee isaga u furan. Madaxda kale hore ayay isugu soo daaleen. Wejiga ugu cusub Madaxweynayaashu waa adiga. Doorasho la isku khilaafsan yahay kuguma soo socoto.

Dowlad Goboleed guun ah oo miisaan siyaasadeed iyo khibrad isku darsatay, dhulkeeduna inta badan badan uu nabad yahay ayaad Madax ka tahay. Nin dhallinyar oo mustaqbal hoggaamineed leh, Puntland iyo ka weynba waad tahay.

Mas’uuliyad gaar ah ayaa kaa saaran xallinta khilaafka. Mas’uuliyad keliya ma aha, haddii aad guul ka soo hoyso, waa dhigaal shakhi ah oo kuu yaalla Baanka wanaagga.

Ugu dambeyn, hal Soomaaliya ayaan wada nahay. Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan wadahadal. Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan Dowladda.

Waayo mid kale ma lihin.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media