DAAWO: ”Waxaa naga macaashtay Garoowe!” – Mucaaradka Somaliland oo ka qayladhaamiyay arrin ku saabsan hawada Somalia!

0

(Hargaysa) 10 Juun 2019 – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in Somalia ay iminka la wada wareegtey hawada Somalia guud ahaan, taasoo ay ku jirto midda Somaliland.

Xoghayaha Duulista xisbigaasi, Nuuradiin Diini oo warbaahinta maxalliga ah kula hadlay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargaysa ayaa sheegay in qalabkii ACC-da ee lagula soconayay hawada loo wada wareejiyay Muqdisho.

Diini ayaa xitaa ku dooday in qalabkan oo loogu tala galay in Somalia laga dhigo 3 meelood oo kala ah Muqdisho, Hargaysa iyo Boosaaso, balse sida uu yiri midkii Hargaysa loo weeciyay dhanka Baydhabo.

Wuxuu sheegay in garoomada Somaliland iminka laga xukumayo wax uu ku sheegay garoonka yar ee Muqdisho, wuxuu kaloo ka digey in ay arrintani keeni karto wax uu ku sheegay in ”liiska madoow la geliyo” hawada Somaliland, isagoo sheegay inay taa ka jiifteen maamulka haatan ka arrimiya Somaliland.

Wuxuu sheegay in kaddib markii la joojiyay in Baasaboorka Somalia ay taasi saamayn xun ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland oo uu sheegay inay dad badani ka wareegsadeen, kuwaasoo haatan adeegsada garoonka Garoowe.

Muuqaalka: Saab TV

Hadalsame Media