Nin dayuurad uu la socdey u gaystey dhibaato ay dib ugu dhacday 7 saacadood! + Sawirro

0

(Manchester) 10 Juun 2019 – Nin rakaab ahaa oo saarnaa dayuurad ku wajahnayd dalka Pakistan kana duulaysey gegada magaalda Manchester Airport ayaa sababay dib u dhac ku yimid duullimaadkii dayuuraraddan kaddib markii si kama’ ah u furay albaabka laga boxo xilliyada ay xaaladdu qasan tahay (emergency exit), isagoo ku khaldaya musqul.

Dayuuraddan oo ahayd Pakistan International Airlines (PIA) duullimaadkeedii 702 oo u kala duulaysey Manchester, UK, ilaa Islamabad, Pakistan, Jimcihii ayaa 7 saacadood dib u dhacday.

Ilaa 40 rakaab ah oo dayuuradda oo weli dhulka joogtey saarnaa ayaa laga dejiyay kaddib shilka, kaddib markii uu soo daartay taambuugga aaryada ah ee ay dadku kusoo sibxadaan marka ay dayuuraddu shil gasho oo otomaatig u ballaqmay kaddib markii uu ninku badhanka taabtay.

Bishii Maajo ee sanadkan, oday Chinese ah oo magaciisa lagu koobay Song ayaa lagu xirey garoon ku yaalla gobolka Shandong ee bariga Shiinaha kaddib markii uu furay albaabka xaaladda deg degga ah si uu ugu gooyo safka oo dheeraa xilligii dayuuradda laga degayay.

Hadalsame Media