Kim Jong-un oo la sheegay inuu ”kalluun ku quudiyey” hilibka jeneraal uu khaarajiyay (Dood ka timid)

0

(London) 10 Juun 2019 – Marar badan saxaafaddu waxay bulshada u gudbiyaan warar kala nooc ah oo ku saabsan mawaadiic aan tiro lahayn, balse waloow ay jamaahiirtu qaar badan liqaan waxaa badan kuwo ay soo tufaan.

Warqaadyada facsharka qora ee British-ka ah qaar badan oo ka tirsan ayaa markan dadkooda ula muuqday kuwo baraxa ka badinaya waxyaabaha qaar, sida sheeko ay ka qoreen hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un kaasoo ay ku eedeeyeen inuu jeneraallada ku fallaagooba dilo deetana uu hilibkooda oo shiidan ku quudiyo kalluunka yar yar ee dhalooyinka ku jira ee loo yaqaanno Piranha.

Warkan ayaa markii ugu horreeysey kasoo muuqday facsharka Daily Star. Wuxuu qoray isagoo ku qiil samaystay inuu ”ilo hoose” soo xiganayo, in Kim uu khaarajiyay mid ka mid ah jeneraalladisa, wax u qaab eg aflaamta 007 iyo jilaaga James Bond.

Intaa ugama harine, wuxuu wargayskani sheegay inuu kalluun ku quudiyay hilibkiisii. Xusuuso film-kii 1977-kii ee ”Jaajuuskii i jeclaa” ama ‘The Spy Who Loved Me’, oo uu laadarka Karl Stromberg uu hilbaha kaaliyihiisa u waray libaax badeed.

Akhristayaashii ayaa arrintan ku tilmaamay mid ay cusbadu ku badan tahay oo woxoogaa ka baxsan xadka dacaayadda ka dhanka ah Mr Kim oo aysan naxariis ku ogayn, balse ay doonayaan in wax loo haro.


Hadalsame Media

Facebook Comments